Ninka guur ku khiyaanay 17 dumar ah oo la qabtay.

0
154

JOWHAR (Radio Isnaay)- Booliska gobolka Bhubaneshwar ee dalka Hindiya ayaa xiray nin la sheegay in uu khiyaanay 17 haween ah isaga oo iska dhigayay dhakhtar iyo xitaa mararka qaar sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Ramesh Chandra Swain, oo 66 jir ah, ayaa laga soo qabtay habeenimadii Axada guri ku yaala deegaanka Khandagiri ee Bhubaneswar.

Remesh ayaa lagu eedeeyay inuu si been abuur ah u guursaday 17 haween ah oo ka soo jeeda 8 gobol oo uu ka qaatay lacago baad ah.

“Waxaan helnay macluumaadka ku saabsan saddex dumar ah oo ka mid ah 17 ka dib markii la xiray Ramesh, Saddexdaas, waxay ka kala soo jeedaan Odisha, Chhattisgarh iyo Assam oo saddexduba waxay dhameysteen waxbarasho sare, waxaana ogaan doonaa in dumar kale uu dhibaato u geystay” yiri sargaal ka tirsan ciidamada booliska Hindiya.

Saraakiisha ayaa sidoo kale baaraya teleefoonka gacanta ee Remesh si loo ogaado xogta ku saabsan dhaqaalihiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here