Man City Oo Ku Fashilantay Rafaan Ay Ka Qaadanaysay Ganaaxa Kyle Walker

0
212

JOWHAR (Radio isnaay) Racfaankii ay Man City ka qaadanaysay ganaaxii 3-da kulan ahaa ee daafaca Kyle Walker ayaa fashilmay.

Daafaca reer England ayaa dusha laga saaray ganaax 3 kulan ah kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii RB Leipzig ee champions League wareegii Group-yada tartanka.

Xiddiga ayaa haatan ganaax ku seegay kulankii Sporting Lisbon laakiin Man City ayaa doonaysay in ay kaliya halkaas kulan ku dayso ganaaxa isla markaas ka qaadato racfaa.

Laakiin UEFA ayaa diiday Racfaanka Man City waxana uu xiddigu dhamaysan doonaa ganaaxa labada kulan ee u hadhay taas oo war xun u ah kooxda Man City.

Kyle Walker ayaa haatan seegi doona kulanka lugta 2-aad ee Sporting Lisbon iyo waliba kulanka 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here