Kooxaha Samatabxinta Afgaanistan oo dadaal Badan ku Bixinaya Badbaadinta wiil 9 sano jir ah oo ceel ku dhacay.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha samatabixinta ayaa waxa ay la daalaa dhacayaan sidii ay ku gaari lahaayeen wiil 9 sano jir ah oo muddo saddex maalmood ah ku xayiran ceel ku yaal tuulo fog oo ku taal koonfurta Afgaanistaan.

Muuqaal la soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ayaa muujiyay wiilka, Xaydar, oo gudaha hoose ugu jira ceelka, hasayeeshee weli waxa uu dhaqaajinayaa gacmaha iyo jirkiisa kore.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex maqli karaa sheeko dhexmaraysa wiilka yar ee ceelka guntiisa ku jira iyo aabihii oo ceelka dul taagan.

“Wiilkaygiyow ma wanaagsan tahay?” ayaa maqli karaa wiilka aabihii o oleh.

“Ila hadal oo ha ooyin, waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan meeshan kaaga soo saari lahayn.”

“Haye, waan sii wadayaa inaan hadlo,” ayuu wiilka ku jawaabayaa cod liita oo taag daran.

Muuqaalkan ayaa waxaa qaaday kooxaha samatabixinta kuwaas oo hoos kaamarada u laalaadiyay ceelka ciriiriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here