Agaaismaha Guud ee Qorshaynta G/Banaadir oo kulan la yeeshay maamulaha Tababarada dalka Rwanda

0
323

JOWHAR (Radio Isnaay)Agaaismaha Guud ee Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Mogadishu Mudane CabdiQaadir Muxyadiin Axmed (Dalxa) oo ka mid ahaa wafdigii Soomaaliya ee booqasho aqoon kororsi ah u joogay dalka Rwanda ayaa kulan kula qaatay Caasimadda dalka  Rwanda ee Kigali Mr Gasbar Kabalisa oo ah maamulaha Tababarada iyo booqashooyinka aqoon is dhaafsiga ee hey’adda RWANDA Cooperation.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga safar booqasho oo ay mas’uuliyiin Dawladda Hoose ee Muqdisho ka socoda ku tagi doonaan magaalada Kigali gaar ahaan Dawladda Hoose ee Kigali si labada magaalo ay isku dhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha la xiriira hawlaha Dawladaha Hoose.

Wafdi rasmi ah ee ka socdo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday maamulada dalka gaar ahaan dawladaha hoose oo booqasho aqoon kororsi ah u joogay dalka Rwanda iyadoo halkaasi lagu qabtay Shirka Dawladaha Hoose ee Soomaaliya ee sanadka 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here