WHO oo markale ka digtay faafitaanka xanuunka Covid-19.

0
307

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa sheegtay inay jirto khatar ku saabsan faafitaanka xanuunka Covid-19, kadib markii waddamo badan ay si xad dhaafah u fureen xayiradii ka hortaga xanuunkan.

Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Ad-hanom, ayaa sheegay fiidnimadii xalay, in fursadda lagu xakameynayo cudurka faafa ay aad u sii yaraanayaan, iyadoo ay jirta khatar sii kordheysa oo ah in dunidu ay ku dhowdahay inay u caalwaayso xakameeynta xanuunkan.

Mr Tedros, ayaa Carrabka ku adkeeyay in inta badan Waddamada Caalamka ay wajahayaan khatar dhab ah oo ku saabsan xanuunka Covid-19, bartamaha sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here