Haweenay u shaqo tagtay Sucuudiga oo lagala baxay kelyaheeda.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaqaatiir ku sugan dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in haweenay dalkaas u dhalatay oo u shaqo tagtay dalka Sucuudiga, kana soo laabatay lagala baxay mid ka mid ah kelyaheeda, islamarkaasna ay arrintaas ka dambeeyeen qoyskii ay u shaqaynaysay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Uganda ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay Isbitaalka weyn ee Mulago uu xaqiijiyay in haweenaydan kilida lagala baxay, oo aysan run ahayn warkii ay qoyska u sheegeen oo ahaa in ay shil gaari gashay.

Judith Nakintu oo 38 jir ah oo shan carruur ah leh ayaa la geeyay magaalada Jidah ee Sucuudiga sanadkii 2019-kii si ay u noqoto jaariyad ama adeegto guri.

Booliiska Uganda ayaa ninkii ay u shaqaynaysay magaciisa ku sheegay Sadafa Maxamed , waxayna qireen in uu sameeyay warbixino caafimaad oo been abuur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here