UNICEF oo ku dhawaaqday in dalalka Geeska Afrika ay wajahayaan Abaar daran

0
241

JOWHAR (Radio isnaay) Warbixin ay soo saartay heya’adda UNICEF ayaa waxa looga digay khataro ka dhalan kara abaaro daran oo ay wajahayaan dalalka Soomaliya, Kenya iyo Itoobiya, warbixinta ayaa si gaar ah uga digaysa khatarta ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed halkaas oo la qiyaasayo in 4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Heya’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in caruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay shanta sano ay wajahayaan xaalad nafaqa darro oo halis ah, “ 2.6 milyan ayaa u baahan gargaar biyo ah oo deg deg ah” ayaa lagu yiri warbixinta iyadoo la sheegay in tiradu intaas kasii badan karto hadii abaartu sii xumaato.

Afhayeenka heya’adda UNICEF Victor Chinyama, ayaa tilmaamay in qiimaha Biyaha ay sare u kaceen 72% taasoo keentay in ay sare u kacaan cudurada ay ka mid tahay Jadeecada, sidoo kale in ka badan 60,000 oo qof ay halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka.

Heya’adda UNICEF ayaa ugu danbeyntii  ku baaqday  in loo baahanyahay $48 milyan oo ay ku jiraan $ 7 milyan oo degdeg ah si loo dalbado cunno iyo daawooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here