Maxkamad ku taalla Indonesia oo xukun ku riday macallin iskuul Islaami ah oo kufsaday 13 gabdhood oo arday ah.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabdhaha oo ay da’doodu u dhaxayso 12 ilaa iyo 16 jir ayaa sideed kamid ah waxa ay qaadeen uur, sida lagu ogaaday baaritaan uu sameeyay booliska.

Kiiskan ayaa muujiyay tacaddiyada ka jira qaar kamid ah iskuullada hoyga ah ee Indonesia, kuwaas oo u badan xarumo lagu dhigo manhajka Islaamiga.

Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in macallinka oo lagu magacaabo Herry Wirawan uu gabdhaha ku qasbay galmo, qaarkoodna ay dhaawacyo xooggan ka soo gaareen falkaas.

Falalka gurracan ee macallin Wirawan ayaa la ogaaday kadib markii bishii May ee la soo dhaafay uu mid kamid ah waalidiinta carruurta shaaciyay in gabadhiisa ay uur leedahay.

Dacwad oogayaasha ayaa doonayay in macallinka lagu xukumo dil ama in la dhufaano (laga dilo dareenka raganimada), maadaama dembiga uu galay uu yahay mid culus oo socday sanadihii u dhexeeyay 2016 iyo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here