Manchester United Oo Wadada Guusha Ku Soo Laabatey Iyo CR7 Oo Abaartii Goolal La’aanta Ka Baxey.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weli dulduleeladii daafac waa la arkyey marka la fiiriyo in macalinku uu fariisiyo Varane oo uu booskiisa ciyaaro Lendlof, guud ahaan waxaa la dhihi karaa qeybtii hore Manchester United dhinaca fursad abuuridu waxaa ay ka aheyd mid aad u liidata.

Dhanka Brighton waxaa aheyd mid kubad heysashadeedu ay aad u wanaagsaneyd walow aaney badneyn dhinaca fursad abuurideeda.

Si kastaba qeybtii hore waxaa ay ku soo idlaatey barbaro goolaal la’aan ah.

Waxaa dib la isugu soo noqdey qeybtii labaad ee ciyaarta, kooxda Manchester United waxaad moodey in ay ku soo talagashey qeybtana in natiijo guul ah ay kulankan kala hoyato.

Nasiib wanaag dadaal dheer kadib daqiiqadii 51aad taageerayaasha Manchester United waxaa mar qura ka soo wada fuqdey neefta kadib markii uu goal u dhaliyey weeraryahankooda abaarta goolashu ay heysey ee Cristiano Ronaldo.

Brighton isku dhex yaac ayaa ka dhex bilowdey, waxaana wax yer kadib goolkii laga dhaliyey mar kale la siiyey Kaarka casaanka ah, halkaa waxaa ay ku noqdeen tira dhiman.

Mar kale daqiqadii dheeriga ahaa ee lagu darey iyagoo dhamaad ah firinbigana afka lagu hayo ayeey Manchester uNited gool heshey kaas oo uu u dhaliyey XIddigooda Bruno Fernandes ciyaartana ka dhigey laba gool iyo waxba

Ugu Dambeyn waa ay dadaaleen kooxda Brighton laakin guud ahaan 90kii daqiiqo iyo waqtigii dheeriga ahaa ee lagu darayba waxaa ay ku soo idlaatey Laba gool iyo waxba oo ay guusha ku raacdey Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here