Muran ka taagan Mareykanka cidda leh haraadiga dayax gacmeed ku fakaday Hawadda.

0
203

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Khubarada hawada sare ayaa sheegay in haraadiga dayax gacmeed la rumaysan yahay inuu ku wajahan yahay dayaxa aanu ka iman shirkadda SpaceX ee uu leeyahay maalqabeen Elon Musk.

Taa bedalkeeda, waxa ay rumaysan yihiin in haraadigaas uu ka yimid dayax gacmeed uu leeyahay dalka Shiinaha, looguna talagalay sahminta dayaxa oo hawada sare loo diray sanadkii 2014.

Khubarada oo saadaaliyay in qalabkaas uu dayaxa haleeli doono horraanta bisha soo socota ee March, ayaa tilmaamay in saameyn kooban ay ka dhalan doonto marka uu ku dhaco badka dayaxa.

Haraadiga dayax gacmeedkaas ayaa markii ugu horreysay la arkay bishii January ee sanadkan.

Bill Gray oo daraaseeya xogta ayaa markii hore ku tilmaamay haraadiga dayax gacmeedka uu ka yimid Falcon 9 booster oo qeyb ka ah mashruuca saadaasha hawada sare ee uu Elon Musk billaabay sanadkii 2015.

Gray ayaa hadda sheegaya inuu khalad ka dhacay, oo haraadiga ku wajahan dayaxa uu yahay qeyb kamid ah dayax gacmeedka Chang’e 5-T1 ee Shiinaha uu bishii October 2014 u diray hawada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here