Baacsiga PSG Ee Pogba , Talaabo Cusub Ayay Qaadeen.

0
201

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dalab abaal cajiib ah ah u diyaarisay xiddiga Manchester United Paul Pogba, kaasoo beeca xorta ah uga tagi kara Old Trafford xagaagan.

Qadkaas dhexe ayaa loo ogol yahay inuu heshiis hor dhac ah la galo koox dibadda ah maadaama uu galay afartii bilood ee ugu dambeysay qandaraaska uu kula jiro Red Devils, si kastaba ha ahaatee, waxaa la rumeysan yahay in Pogba uusan meesha ka saarayn in uu sioi joogo Manchester.

Pogba ayaa dhawaan ku soo laabtay kooxda Ralf Rangnick horaantii bishaan ka dib markii uu dhaawac ku maqnaa tan iyo bilowgii November, taasoo la micno ah inuu kaliya 11 kulan oo Premier League ah u saftay Man United xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here