Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS oo qaabilay Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle

0
224

JOWHAR (Radio isnaay) Kullan ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf ku qaabilay Wasiirka Qorsheynta Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Saadaq Salaad Warsame.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay isku xirka ujeedooyinka iyo daadajinta howlaha horumarineed ee ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo sidoo kale maareynta xilliga fatahaadaha iyadoo loo marayo mashuurca kasoo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee SCRP.

Madaxda ayaa isku raacday muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wadashaqeynta ku aaddan hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hanaanka qaabeynta Qorshayaasha Istiraatiijiyadeed ee Dowlad Goboleedyada.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa wado dadaallo lagu horumarinayo laguna xoojinayo wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Bahwadaagta taageerta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here