Wadan laga Mamnuucay Xuska Maalinta Jaceylka.

0
320

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Dowladda Indonesia ayaa qeyb ka mid ah dalkaasi ka mamnuucday in looga dabaaldego maalinta jaceylka.

Maalinta jaceylka oo 14-ka Febraayo laga xuso qeybo ka mid ah caalamka, ayaa mudooyinkii dambe caan ka noqoneysay dalkaasi ay Muslimiinta ku badan yihiin.

Saraakiisha dowladda ee magaalada Surabaya, oo ah tan labaad ee ugu weyn Indonesia, ayaa ardayda ugu baaqay in aanay u dabaaldegin maalinta jaceylka, ayagoo sheegay in ay khilaafsan tahay dhaqanka dadka dalkaasi.

Culimada Islaamka ee Indonesia ayaa ah kuwo awood badan ku leh dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here