Ousmane Dembele Oo Wadahadalo Kula Jira Koox Premier League Ah Si Uu Qaab Xor Ah Ugu Biiro.

0
179

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wakiilada weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la leeyihiin Manchester United kuwaas oo ku saabsan in uu xiddigu xagaaga ku soo biiro kooxda.

24-sano jirkaan ayaa ilaa hadda diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer Catalonia kuwaas oo isku dayay in ay iska diraan xiddiga suuqii January ka hor inta uuna heshiiskiisu dhicin.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii suuqa xiddiga ayaa wali sii jooga Barcelona waxana uu xiddigu haatan kooxda uga tagi doonaa qaab xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in wakiilka Dembele uu wadahadalo kula jiro kooxda Man United si uu ula gaadho heshiiska shaqsiga ah ka hor inta uuna qaab xor ah ugu biirin.

Dembele ayaa dhaliyay kaliya hal gool 2 kalena caawiye ka noqday 11 kulan oo uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan inkasta oo uu dhaawacyo ku dhibaatooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here