Dowladda Soomaaliya oo maanta guddoontay gargaar uga yimid Imaaraadka Carabta

0
205

JOWHAR (Radio isnaay) Iyadoo ka jawaabeysa codsigii Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble u jeediyay dunida ee ah in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, ayay maanta dowladda Imaaraadka Carabtu gargaar raashin ah soo gaarsiisay Soomaaliya.

Diyaarad sidday sahaydan gargaar ee raashinka ah, waxaa dalka soo gaarsiisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Maxamed Alkacbi oo ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in gargaarkani uu qeyb ka yahay caawimaadda ay dowladda Imaaraadku ka geysaneyso  gurmadka walaalaha Soomaaliyeed ee abaarta la ildaran.

Alkacbi, ayaa in shixnaddan gargaarka ah ay xigi doonaan shixnado kale maalmaha soo socda, si loogu gurmado dadka xaaladda bani’aadminimo wajahaya.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadkan oo ah kii labaad muddo labo bilood gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here