Jamie Carragher Oo Mohamed Salah Bar-Bar Dhigay Cristiao Ronaldo Kadib Guuldaradii Xulka Masar Ee Final-ka Koobka Africa.

0
187

JOWHAR (Radio isnaay) Khabiirka kubbada cagta ee Jamie Carragher ayaa Mohamed Salah la barbar dhigay Cristiano Ronaldo kadib guuldaradii Masar ka soo gaadhay Senegal finalkii koobka qaramada Afrika ee 2021.

Xulka Senegal ayaa guud ahaan ka fiicnaa dhigiisa Masar kulan rikoodhayaal lagu kala baxay kadib 120 daqiiqo oo la kala bixiwaayay.

Senegal ayaa laagatay rikoodhada 1-aad waxana ay dhaliyeen 4 ka mid ah 5-tii rikoodhe ee ay laagten halka xulka Masar dhaliyeen kaliya 2 rikoodhe iyada oo uuna Salah laagan wax rikoodhe ah maadama uu sugayay rikoodhada 5-aad.

Waana sida uu Cirstiano Roanldo sameeyo marka uu rikoodhada laadanayo hadii ay tahay markii uu joogay Real Madrid ama haatan oo uu joogo Man United.

Carragher oo dhaleeceeyay tababarayaasha xulka Masar ayaa yidhi”Waa sababta ay tahay in xiddigaha ugu fiican dhanka rikoodhada ay ku hor maraan, Mohamed Salah muxuu u laadan waayay rikoodhada xulka Masar Final-ka waa arin waali ah sidoo kale Ronaldo ayay ku dhacay kulan uu Portugal la ciyaarayay Spain”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here