Cristiano Ronaldo Oo La Midoobi Kara Tababare Uu Horay Ula Soo Shaqeeyay

0
195

JOWHAR (Radio isnaay) Bixitaanka Mauricio Pochettino ee PSG ee la filayo xagaaga ayaa la raacsiin doonaa magacaabista Zinedine Zidane iyada oo uu tababaraha reer France shaqada ka badali doono Tababaraha reer Argentine.

Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu Cristiano Ronaldo kula midoobo kooxda PSG Marka uu tababaraha u noqdo kooxda.

Tababaraha iyo xiddiga ayaa ka wada shaqeeyay Rea Madrid waxana ay wali leeyihiin xidhiidh fiican iyaga oo si joogto ah u wada xidhiidha.

Sida laga soo xigtay Wargayska The Mirror, Zidane ayaa ku dhaw in uu tababare u noqdo PSG waxana uu dalabkiisa ugu horeeya noqon doonaa in loo keeno Ronaldo kaas oo ku laabtay Man United xagaagii.

PSG ayaa isku dayday saxiixa xiddiga reer Portugal xagaagii laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ku qanciyaan in uu yimaado caasimada Frane isaga oo ka doortay ku biirista Man United.

Laakiin sida ay sheegayaan wararku Cristiano Ronaldo ayaa ku biiri kara kooxda PSG hadii ay Man United ku fashilanto in ay u soo baxdo champions league xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here