Man City & Liverpool Ugu Dhaqaaqi Doonaan Saxiixa Bukayo Saka.

0
247

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan inay u dhaqaaqaan xiddiga Arsenal Bukayo Saka.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ah xiddiga ugu fiican Arsenal sanadihii ugu dambeeyay waxana uu xilli ciyaareedkan dhaliyay 6 gool premier League halka uu 4 kale caawiye ka noqday 21 kulan oo uu ciyaaray premier League.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan tartan adag ugu jirta kaalinta 4-aad ee champions league Saka ayaana ka mid ah xiddigaha riixaya kooxda Arsenal si ay ugu dhamaysato booskaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here