Madaxweyne Cali Guudlaawe Oo Maanta Gaaray Magaalada Baladweyne

0
186

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne farabadan oo lagu sii diyaariyey Garoonka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Maamulka Gobolka, kan Magaalada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybo kamid ah Bulshada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here