Kooxaha Gurmadka Oo Aad Ugu Dhow Soo Badbaadinta Canuga Yar Ee Ku Dhacay Ceelka

0
174

JOWHAR(Radio isnay) Dadaallo lagu soo badbaadinayo canug yar oo reer Morocco ah oo ku dhacay ceel biyood u dhow magaalada Shefshaawan ayaa haatan ku dhow gebogebo.

Cannugani oo warbaahinta maxaliga ah ay ku sheegeen Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshaawan.

Rayaan ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhacay ceel dheerarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir, isaga oo marar ceelka afkiisa oo aad ciriiri u ah.

Hawlgallada samatabixinta ayaa socday ilaa fiidnimadii Talaadada.

Afhayeenka dawladda Mustafa Baitas ayaa xalay sheegay in hawlaha lagu badbaadinayo wiilkaasi yar ay haatan marayaan meel fiicaan isla markaana la filayo in goor dhow bannaanka loo soo saaro.

“Dareenkayagu waxa uu la jiraa qoyskiisa, waxaanan ka ugu duceynaynaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uu ugu soo laabto,” ayuu yiri Mustafa.

Inkastoo uu ceel aad u dheer ku dhacay, haddana muuqaal lagu soo duubay kaamiro loo dhaadhiciyay gunta ceelka ayaa muujinaysa in wiilkan yar uu weli nool yahay oo uu miyir qabo, inkastoo ay ka muuqdaan

Shaqaalaha gurmadka ayaa wiilkaasi u dhaadhiciyay qalabka neefsiga ee Ogsijiinka, cunno iyo biyo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan koox hawlwadeenno caafimaad ah oo diyaar u ah in ay daweeyaan wiilkan isla marka ceelka laga soo saaro. Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah wiilkaasi si loo geeyo isbitaalka marka laga soo saaro ceelka.

Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socda muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here