Man United Oo Iska Diiday Saxiixa 3 Xiddig Oo Loo Soo Bandhigay Suuqii January.

0
133

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Manchester United ayaa iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd saddex ciyaartoy intii lagu jiray suuqa kala iibsiga Ciyaartoyada ee January sabab la xidhiidha in ay ka wal-walsanayd in ay la soo saxiixato xiddigo uuna doonayn tababareheeda cusub ee mustaqbalka.

Ralf Rangnick ayaa Man United u maali doona qaab ku meel gaadh ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo ayna Kooxdu wali dooran tababraha sida joogtada ah u qaban doona shaqada taababranimo ee kooxda.

Sidaas darteed Man United ayaa iska diiday in ay wax saxiixyo ah samayso suuqii January maadama ayna ogayn sida ay xiddiguhu ugu soo bixi doonaan shaxda tababaraha cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here