Jowhar – ( Radio isnaay ) – Wararkii ugu dambeeyay ee arinta Carvalho ee Liverpool ayaa la xaqiijiyay in ay dhicisoowday .
Hishiiskii laacibka ugu soo wareegi lahaa Liverpool ayaa bur buray inkastoo laacibka uu tijaabacada caafimaadka ku maray Liverpool
Sababta uu u fashilmay ayaa lagu lagu sheegay in warqadaha qaar aan la saxiixin sidaa darteena uu ku dhacay waqtigii suuqa xermayay
Labada koox hishiis buuxa ayay ka gaareen balse waqtiga ayaa ciilay , haatan waxa ay mar kale arinta laacibka soo cusboneysiinayaan xagaaga
Waxaa horay loo baahiyay in Liverpool hishiis 5 sano ah la gaareen laacibka balse ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan uu amaah ugu joogayo kooxda Fulham