Dalka Qadar oo noqday Dal ay Dadkiisu 70% cayilan yihiin.

0
311

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Qadar ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay dunida ee dhammaan dadka qaangaarka ah ka baara nooca labaad ee macaanka ama sokorowga.

Waxaa la leeyahay shantii qofba, mid ka mid ah ayaa dalkaasi qaba sokorowga, taasina waa ku dhowaad laba lab guud ahaan dunida.

Xanuunka macaanka waa dilaaga ugu weyn ee dalka Qatar.

Cudurkan oo sababa in ay kor u kacaan heerka sokorta qofka ayaa waxa uu aad sare ugu qaadaa halista ah in qofka uu ku dhoco shalal ama wadne xanuun ama xitaa indho la’aan.

Wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa BBC-da u sheegtay in ay baaritaan ku samanayso dhammaan dadka mudada dheer degenaa dalka Qatar illaa sanadkan dhammaadkiisa.

Waa markii ugu horeysay oo dal adduunka ka mid ah uu qaado talaabo sidan u baaxad weyn oo dadka ku nool oo dhan xanuun laga baarayo.

Waxa uu qeyb ka noqonayaa barnaamijka dowladda ay kula dagaalamayso cayilka, kaas oo inta badan horseeda nooca labaad ee xanuunka macaanka.

Wax ka badan boqolkiiba 70% dadka Qatar ayaa la sheegay in uu miisaankoodu said yahay, waxay dowladda soo rogeysaa canshuur lagu kordhinayo sokorta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here