Waa Maxay Sababta Ay Man United & Chelsea Uga Bexeen Tartanka Ousmane Dembele

0
210

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa ka tanaasulay xiisihii ay u qabeen saxiixa Ousmane Dembele sabab la xidhiidha in ay labada kooxood marka hore u baahanyihiin ay xiddigo iska iibiyaan ka hor inta ayna dhamaystirin saxiixa xiddiga reer France.

Kooxda Barcelona ayaa suuqa dhigtay xiddiga Ousmane Dembele kadib markii uu xiddigu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda xilli uu heshiiskiisa Barcelona dhici doono xagaaga.

Kooxaha premier League ayaa doonayay saxiixa xiddiga waxana ay doonayeen in ay saacadaha ka dhiman suuqa dhamaystiraan saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara.

Laakiin labada kooxood ayaa haatan si Rasmi ah uga baxay baacsiga ay ugu jiraan saxiixa xiddiga waliba ayna u dhaqaaqi doonin saacadaha ugu dambeeya suuqa January.

Chelsea iyo Man United ayaa u baahan in ay iska iibiyaan ugu yaraan hal xiddig oo weerarka ah ka hor inta ayna dhamaystirin saxiixa xiddiga Ousmane Dembele sidaas darteed waxa ay go’aansadeen in ay ka hadhaan baacsiga xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here