Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Adama Traoré

0
387

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay saxiixa xiddiga garabka ciyaara ee Adama Traoré kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Wolves.

Barcelona ayaa xiddiga Adama Traoré kula soo wareegtay heshiis 6 bilood oo amaah ah iyaga oo dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto xagaaga.

Xiddiga Adama Traoré ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay samaysay kooxda Barcelona suuqa January iyada oo uu tababare Xavi sii wado dhisida kooxdiisa.

Kooxda ayaa xaqiijisay in garoonka Camp Nou lagu soo bandhigi doono Adama Traoré 2 bisha soo socota iyada oo uu garoonka Camp Nou gali doono markii ugu horaysay.

Xiddiga Adama Traoré ayaa ku soo laabtay garoonka Camp Nou marka loo eego in uu markii hore ka soo baxay Akademiyada kooxda Barcelona ka hor intii uuna ka tagin kooxda sanadkii 2014.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here