Paul Pogba Oo Diyaar U Ah In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man United Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

0
252

JOWHAR (Radio isnaay) Paul Pogba ayaa diyaar u ah inuu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah isla markaana uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Manchester United laakiin waxa uu ku xidhay Hal shardi oo ah in uu tababare Ralf Rangnick si ahaado tababaraha kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Red Devils ayaa qiratay in ay qaab xor ah ku waayi doonto xiddiga reer France kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Pogba ayaa qaatay xilli ciyaareed ah isaga oo aan ciyaarin wax kulan ah tan ilaa bishii November kulankii champions league ee ay 2/2 la gashay Man United kooxda Atalanta.

Rangnick ayaa Ole Gunnar Solskjaer ka badalay shaqada United kadibna waxa is badalay natiijooyinka kooxda laakiin Pogba ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin taababare Ragnick.

Wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in uu Pogba la dhacay shaqada Tababaraha reer Germany waliba doonayo in uu mustaqbalka la shaqeeyo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Pogba diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United laakiin waa hadii ay kooxdu tababare buuxa ka dhigayso tababare Ralf Ragnick.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here