Dowladda Australia oo dalalka Yurub ka codsatay inay siiso gaaska dabiiciga ah.

0
195

Jowhar – ( radio isnaay ) – Dawladda Australia ayaa dalalka reer Yurub u soo jeedisay inay siiso gaaska dabiiciga ah ee dareeraha loo beddelay, haddii Ruushku uu go’aansado inuu jaro gaaskiisa, xiisada Ukraine darteed.

Xilli ay sii kordheyso xiisadda la xiriirta dalka Ukraine ee u dhaxaysa Ruushka iyo reer galbeedka ayaa waxa sii kordhaya cabsida laga qabo in Moscow ay yareyso ama ay joojiso gaaska ay siiso Yurub.

Dalalka Midowga Yurub ayaa haddaba uu gaasku ku yar yahay, ka dib markii la dabciyey xayiraadihii xanuunka COVID-19, arrintaas oo dalab badan oo gaaska ah abuurtay. M. Yurub ayaa saddex meeloodow hal meel Ruushka ka hela gaaska uu u baahan yahay.

Australia waa mid ka mid ah dalalka ugu waxsoosaarka badan dunida ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha loo beddelay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here