JOWHAR (Radio isnaay) Heshiiskii ay kooxda Arsenal ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo ayaa u muuqda mid aan dhici doonin kaas oo haatan bur-buray sida ay sheegayaan wararku.
Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in heshiiskii ay Gunners ku doonaysya saxiixa xiddiga Arthur Melo ayaa haatan u muuqda mid aan dhici doonin hadii ayna wax is badalin maalmaha soo socda.
Isla wargayska ayaa sheegaya in diidista Arsenal diiday in ay aqbasho heshiis amaah ah oo 2 sano ah ayaa sabab u noqday in uu heshiisku bur-buro.
Arsenal ayaa doonaysay kaliya heshiis 6 bilood ah halka ay Juventus doonayso in ay Arsenal xiddiga reer Brazil ku qaadato heshiis 2 sano ah oo amaah ah.
Wadahadaladii u dhexeeyay labada kooxood ayaa haatan u muuqda mid joogsaday iyada oo ay labada kooxood ku kala keceen miiska wadahahadalada