Dad badan oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka Garowe

0
182
JOWHAR (Radio isnaay) Inta la xaqiijiyey 6-qof ayaa ku geeriyootay ugu yaraan 3-kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo goordhow ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Salaamo iyo Libaaxo oo ka tirsan gobolka Nugaal.
Dhaawacyadii dadkaas waxaa loo qaaday isbitaallada magaalada Garowe.
Dadkaas waxaa u gurmaday oo goobta uu shilku ka dhacay gaaray masuuliyiin ay ka mid yihiin, guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha qaybta booliska gobolka iyo saraakiil ka socota ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.
Shilalka noocaan ayaa aad ugu badan deegaanada Puntland, waxaana inta badan loo sababeeyaa xirfada wadayaasha gaadiidka oo aan xakameyn xawaaraha ay ku socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here