Halka Uu Arthur Melo Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Xilli Ay Ku Dhawdahay Saxiixa Xiddiga reer Brazil.

0
175

Jowhar – ( radio isnaay) – Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Arthur Melo kaas oo ay qaab amaah ah kala soo wareegayaan kooxda reer Italy.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd khadka dhexe waxana ay calaamdsatay xiddiga reer Brzil ee Arthur Melo kaas oo dhankiisa doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Brazil waxana haatan dhiman in ay kooxda Juventus ogolaato in uu xiddigu biiro Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here