Dadka Dunida ku nool oo ka sii Guuraya telefoonnadooda casriga ah.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Iyadoo aan ku nool nahay duni ay dad badan oo inaga mid ah ku mashquulsan yihiin telefoonkooda, Dulcie Cowling ayaa ku dhaqaaqday waxaan caadi ahayn – iyada keedu waaba ay ka guurtay.

Gabadhan 36 jirka ah ayaa dhammaadkii sanadkii hore ku fekertay in ka guuridda telefoonkeeda casriga ah uu wanaajin doono caafimaadka maskaxdeeda. Sidaas darteed, waxay bishii la soo dhaafay qoyskeeda iyo saaxiibbadeeda u sheegtay inay qaadaneyso telefoon hore oo nooca Nokia ah kaas oo keliya qofka laga wici karo farriinna looga diri karo.

Waxay sheegtay in waxa ku dhaliyay go’aankaas ay tahay maalin ay ku sugneyd beerta nasashada oo ay la joogeen labo wiil, oo ay da’doodu kala tahay lix iyo saddex: “Waxaan ku mashquulsanaa telefoonkeyga aniga oo meesha lagu cayaaro la joogay carrurta waxaanan eegay waalid walba – waxaa joogay ilaa 20 – waxayna eegayeen telefoonkooda, iyagoo hadba dhan u eegaya,” ayay tiri.

“Waxaan is weydiiyay ‘goormey sidan dhacday?’. Qof walba waxaa dhaafaya nolosha dhabta ah. Uma maleynayo in haddii aad tagto sariirtaada geerida aad ka fekeri lahayd inaad waqti badan ku bixin lahayd Twitter-ka, amaba aad maqaallo ka akhrin lahayd baraha internet-ka.”

Ms Cowling,oo ah agaasimaha shirkadda wax xayeysiisa ee fadhigeedu yahay London ee Hell Yeah!, ayaa intaas ku dartay in fekerka ay isaga deyneyso telefoonkeeda casriga ah uu dhashay intii ay socotay xayiraadda Covid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here