Dadka deegaanka Qaradhi oo kacabanaya abaar sameysay dadka iyo duunyada

0
171

JOWHAR (Radio isnaay) Seddexdii sano ee lasoo dhaafay kama uusan da’in roobku deegaanka Qaradhi ee Gobolka Galgaduud oo hoosyimada degmada Cadaado, taas ayaana sababtay in gabi ahaanba biyo laga waayo ceel gacmodyada laga isticmaalo deegankaan oo aan laheyn ceel biyoodka riiga, waxaa kajira abaar sameysay dadka iyo duunyada.

Dadka degaanka ayaa hada si cariiri ah u isticmaala qaar ka mid ah Ceelasha oo marka biyo looga baahdo qof laxiro ceelkana lagaliyo si biyo looga helo wallow biyaha lagasoo dhaamiyo aysan aheyn kuwo nadiif ah oo midab ahaan isbadaley sida ey Warbaahinta Qaranka u sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka Qaradhi.

Ilyaas Xasan Ugaas Faarax oo kamid ah dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanka Qaradhi uusan laheyn xarumo Waxbarasho Iyo Caafimaad.

Ugu dambeyn Mahad Cilmi Guddoomiyaha deganka Qaradhi ee Gobolka Galgaduud ayaa ka codsaday qurba joogta kasoo jeedda deganka, Hey’adaha samafalka maamulka Galmudug Iyo Dowlada Federaalka Sooomaaliya Iney gargaar lasoo gaaraan dadka deegaan oo ka cabanaya xaalado dhanka Nolosha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here