Liverpool & Man City Oo Isku Baacsanaya Xiddig Aad Loo Qiimeeyo

0
169

JOWHAR (Radio isnaay) Liverpool iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa da’yarka PSV Eindhoven Cody Gakpo xagaaga, waxaana ay wadahadalo la yeesheen xiddiga reer Netherlands.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa la filayaa inuu u saxiixo heshiis cusub oo waqti dheer ah kooxda Holland kaasoo socon doona ilaa 2026.

Laakiin waxa xiddiga si dhaw ula socda horumarkiisa kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub ee Bayern Munich, Manchester City iyo Liverpool kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga 22 jirkan sida laga soo xigtay Voetbal International.

Gakpo ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la yeeshay labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City laakiin wali ma uusan go’aansan kooxda Premier League ee uu mustaqbalka ku biiri doono.

“Kooxaha wax doonaya sidoo kale waan garanayaa, waxa aan Arintooda kala hadlay wakiilkayga”ayuu xaqiijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here