Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo ku guuleysatay bakhtiyaa nasiib gaaraya  $3 malyan oo doolar.

0
342

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay bakhtiyaa nasiib $3 malyan oo doolar ah kaddib markii ay farriinta guusheeda ay ka heshay meel aysan ka filaneyn.

Laura Spear oo 55 jir ah, ayaa qaab online ah ku iibsatay lambarka ama tikidka bakhtiyaa nasiib lagu helo malaayiin doolar oo ay bixissy Wakaaladda Bakhtiyaa Nasiibka Qaranka ee dalka Mareykanka oo sanad walba ay dadka nasiibka u yeesha ay ku helaan boqollaal malyan oo doolar.

Haweeneydan ayaa Bakhtiyaa nasiibka ku guuleysatay xilli ay dhawaan qorsheyneysay iney shaqada ka fariisato, waxayna sheegtay iney lagama maarmaan tahay inaan marweliba E-mailada noo soo dhaca oo dhan aan si wanaagsan u hubinno maadaamaa ay waxyaabo muhiim ah nagu dhaafi karaan.

Bakhtiyaa Nasiibka Michigan ee lagu bixiya boqollaalka Milyan ee doolar qiimahiisu waa 2 doolar waxaana lagu iibiyaa 45 gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Qofka ku guulaystay bakhtiyaa nasiibkii ugu badnaa ee abid Maraykanka laga bixiyo oo 1.5 bilyan oo doolar ah, ayaa isxaan sameeyay oo qof iska hormariyay isaga oo tigit ka gadanayay South Carolina, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here