Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo furtay kulan looga hadlayay baahiyaha dadka naafadaha

0
154

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir ay leeyihiin naafada Soomaaliyeed oo looga hadlayo baahiyaha ay qabaan dadka naafada ah si loogu soo bandhigo shirweynaha naafada adduunka oo bisha soo socota ka dhici doona dalka Norway.

Kulankaan ayaa socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeygalaya mas’uuliyiinta hey’adda Naafada Qaranka iyo Ururada u dooda arrimaha Naafada.

Shir weynaha naafada Caalamka oo markii ugu horreysay la qabtay 2018 ayaa hadda waxaa martigelisay dowladda Norway, si shirkaas Soomaaliya ula tagto agendiyaal muhiim ah ayaa Wasaaradda haweenka u qabatay shir qeybaha naafada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here