JOWHAR (Radio Isnaay)- Ra’iisal wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa baajisay arooskeeda ka dib markii ay ku dhawaaqday xayiraado cusub oo la xirriira cudurka Covid-19.
Dalka oo dhan ayaa lagu wadaa in la geliyo heerka ugu sarreeya ee xannibaadaha Covid ka dib markii uu aad ugu faafay nooca cusub ee Omicron.
New Zealand ayaa waxay diiwaangelisay 15,104 kiis oo ah xanuunka Covid-19 halka ay 52 u dhinteen cudurka 24.
Ms Ardern ayaa Axaddii u xaqiijisay warbaahinta in arooskeeda oo lagu waday inuu dhaco dhawaan oo si toos ahna looga baahin lahaa telefishinka Clarke Gayford uusan dhici doonin