Maxkamad ku taalla Dalka Turkiga oo xabsiga dhigtay Weriye caan ah.

0
328

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigtay weriyaha caanka ah ee Sedef Kabas oo lagu eedeeyay inay aflagaadeeysay madaxweynaha dalkaasi.

Ms Kabas ayaa Sabtidii lagu xiray magaalada Istanbul, waxaana maxkamad ay amartay in xabsiga la dhigo ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.

Waxaa lagu eedeeyay inay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku beegsatay maahmaah ay ka soo xigatay talefishinada tooska ah ee xiriirka la leh mucaaradka. Balse eedeeyntaasi waa ay diidday.

Ciqaabta eedeyntan ayaa waxa ay noqon kartaa xabsi u dhaxeeya hal ilaa afar sano.

Waxay sidoo kale markii dambe soo dhigtay oraahdaasi barta Twitter-ka.

Af hayeenka guud ee Mr Erdogan Fahrettin Altun ayaa hadalkeeda ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here