Goobaha lagu xannaaneeyo xayawanaadka duur joogta ah ee waqooyiga Kenya oo Arin la yaab leh lagu arkay.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mid ka mid ah goobaha lagu xannaaneeyo xayawanaadka duur joogta ah ee waqooyiga dalka Kenya waxaa toddobaadkaan ka dhacday xaalad dhif ah oo ah inay halkaa ku dhasheen mataanno Maroodi ah.

Maroodiyaashaan mataanaha ah ee Labka iyo dheddigga kala ah ayaa markii ugu horreysay lagu arkay deegaanka Samburu ee ku yaalla waqooyiga Kenya halkaa oo lagu xannaaneeyo duur joogta.

Waxaa arkay dadka ka shaqeeya xaruuntaas xayawaanaadka isla markaana haga dadka halkaa dalxiiska u taga. Maroodiyaashan mataanaha ah waa kuwii labaad ee ay la kulanto hay’adda badbaada Maroodiga ee Save the Elephants.

Hay’addan ayaa sheegtay in dhalista maroodigu ee mataanaha ay dunid ka tahay boqolkiiba hal, iyadoo kiiskii ugu dambeeyay ee la og yahay la diwaan geliyay sanadkii 2006-dii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here