Xavi Oo Kashifay Wakhtiga Ay Barcelona Iska Iibin Doonto Ousmane Dembele

0
186

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha Barcelona Xavi ayaa sheegay in kooxdiisu ay iska iibin doonto Ousmane Dembele ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga January hadii uusan heshiis cusub u saxiixin Camp Nou.

Heshiiska xiddiga reer France ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatan labada dhinac ayaa ku heshiin waayay heshiiska cusub.

Wakiilka Dembele ayaa sheegay in ay Barcelona luminayso xiddig ku guulaystay koobka adduunka waxana la filayaa in ay Juventus iyo Man United ku tartamayaan saxiixiisa.

Xavi ayaa sheegay in ay kooxdu u baahantahay in uu 24 jirku qalinka ku duugayo heshiiska cusub iyada oo la iibin doono suuqa January ee bishan.

“Ma doonayo in aan cidna Ixtiraam daro u muujiyo, Fariintu way cadahay, ama heshiis cusub ayuu saxiixi doonaa ama waxa uu ka tagi doonaa kooxda”ayuu Xavi yidhi.

“Ma ahan xaalad fudud ama lagu farxo, laakiin danta kooxda ayaa muhiim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here