Waxaa La Ogaaday Waxii Uu Ronaldo Yiri Markii La Baday Kulankii Xalay

0
160

JOWHAR (Radio isnaay) Saxaafadda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday waxii uu yiri Ronaldo markii la badalay kulankii  Brentford ee horyaalka

Kulan ka baaqday wareeggii 17-aad ee horyaalka Ingiriiska ayay wada ciyaareen waxa ayna United ku badiyeen 3/1

Tababare Ralf ayaa Ronaldo badalay daqiiqadii 70-aad xilligaas oo s weyn u carooday laacibkaas.

Ronaldo ayaa la arkayay isaga oo ganuunacaya waxa ayna saxaafadda Ingiriiska haatan daboolka ka qaadeen waxa uu Ronaldo  oranayay

Goal.com waxa ay leedahay  waxa uu Ronaldo yiri ” maxay tahay aniga , maxay tahay aniga , maxaad ii badaleysaa” erayadaas ayuu ku dhawaaqay Ronaldo

Waxaa la xaqiijiyay in Ronaldo uu xittaa erayadaas ku dhawaaqayay markii uu fariistay kursiga badelka

Macalinka ayaa dareemay xanaaqa Ronaldo iyadoo uu ugu tagay kursiga badelka waliba waxaa la arkayay isaga oo dhagta wax ugu sheegaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here