JOWHAR (Radio isnaay) Harvey Elliott ayaa si buuxda uga qayb qaatay tababarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu dhaawac soo gaadhay bishii September.
Xiddiga da’yarka ah ayaa kooxdiisa uga maqnaa dhaawac kuraanta ah waxana uu ku maqnaa muddo 4 bilood ah laakiin waxa uu u muuqdaa mid si buuxda ugu soo laabtay tababarka.
Tababare jurgen Klopp ayaa haatan laga ogaan doonaa in uu xiddiga Elliott ka qayb qaadan karo kulanka Arsenal ee lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka.
Xiddiga ayaa markii hore la filayay in uu soo laabto bartamaha bisha February laakiin waxa uu u muuqaa mid ku soo laabtay tababarka wakhti ka horeeya wakhtigii la filayay.