Madaxweynaha Somaliland oo u amabbaxay Magaalada Addis Ababa.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay )  –  Madaxwaynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa kadib, martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda dalka Itoobiya.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo diyaarad khaas ah ka raacay madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire,iyadoo ay ka sii horeeyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ataash iyo Ergayga Ictiraaf Raadinta Somaliland Dr Edna Aadan

Booqashadan rasmiga ah ee Madaxwaynaha Somaliland ku tagayo dalka Itoobiya ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka ka dhaxeeya dowladda Itoobiya & Somalilans iyo xoojinta horumarka iyo nabadgalyada Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here