Duufaan iyo dhul gariir ku dhuftay dalka Tonga.

0
150

JOWHAR (Radio isnaay)-Mowjadaha duufaanta iyo dhul gariirka is wata ee Tsunami, ayaa ku dhufatey dalka jaziiradda yar ah ee dhaca badda Pacific-ga ee Tonga.

Waa markii labaad ee uu dhulgariirka ka dhaco badda hoosteeda laba maalmood gudahood jaziiraddani.

Dadka deegaanka, ayaa laga dalbadey iney u guuraan goobo uu jooggoodu sarreeyo

Diyaaradaha dagaalka ee Australia iyo New Zealand ayaa loo diray dalka jasiiradaha ka kooban ee Tonga, si ay u soo sahmiyaan khaasaraha ka dhashay duufaantan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here