Ralf Rangnick Oo Magacaabay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Diiday In Uu Ciyaaro Kulankii Aston Villa.

0
354

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa shaaca ka qaaday in Anthony Martial uu diiday in lagu soo daro shaxdii sabtida ee Premier League ay la ciyaareen Aston Villa.

Xiddiga reer France ayaa xaqiijiyay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United bishan kadib markii uu ka baxay qorshaha kooxda waxana uu doonayay in uu ku biiro kooxda Sevilla.

Martial ayaan ciyaarin wax premier League ah tan ilaa 2 bishii December, Ragnick ayaana haatan sheegay in uu weeraryahanku diiday in uu ka qayb ahaado kulankii Aston Villa ee premier League.

Rangnick oo saxaafada la hadlay kadib kulankii barbaraha 2-2 ah ayaa yiri: “Ma uusan dooneynin inuu ka qayb ahaado kooxda, waxa aan doonayay in uu ciyaaro laakiin ma doonayn in uu ciyaaro waana sababta uuna noola safrin”.

Martial ayaa dhaliyay kaliya hal gool 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka kooxda Sevilla ayaa isku diyaarinaysa dalab cusub oo ay ka gudbiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here