Lionel Messi Oo Lagu Riixayo Ku Laabashada Barcelona & Cida Ku Riixaysa Oo La Ogaaday.

0
269

JOWHAR (Radio isnaay) Qoyska xiddiga PSG Lionel Messi oo xiddiga ku riixaya in uu xiddigu ku laabto kooxda Barcelona.

Xiddiga 7-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka ayaa ku dhibaatoonaya in uu la qabsado PSG tan ilaa markii uu ku biiray kooxda reer France isaga oo dhaliyay 1 gool 11 kulan oo uu ciyaaray.

messi ayaa 5 gool dhaliyay champions League laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa horyaalka France taas oo keentay in ay soo baxaan wararka sheegaya in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda.

Sida laga soo xigtay El Nacional, xaaska Messi ee Antonela Roccuzzo ayaa ku riixaysa xiddiga in uu ku laabto magaalada Barcelona sabab la xidhiidha in iyada iyo caruurteedu ay la qabsan laayihiin jawiga Paris.

Messi ayaa PSG kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana uu xiddigu kulamadii ugu dambeeyay ku seegay xanuunka Korona oo laga helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here