Gabar ‘si mucjiso ah’ ugu dhalatay diyaarad hawada ku jirtay.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaktarad u dhalatay dalka Canada ayaa ka sheekeysay farxaddeeda kaddib markii ay umulisay cunug “mucjiso ah” oo ay ka dhalisay hooyo foolatay xilli ay ku jireen duullimaad ku wajahnaa dalka Uganda.

Dr Aisha Khatib, oo ah barfasoor wax ka dhigta jaamacadda Toronto, ayay qiyaastii hal saac uga harsaneyd inay soo afjarto duullimaadkeeda diyaaradda Qatar Airways oo kasoo baxay magaalada Dooxa kuna sii jeeday garoonka Entebbe ee magaalada Kampala. Balse waxay maqashay qeylo dhaan.

Haweeney qaxooti shaqaale ah oo u dhalatay Uganda, taasoo kasoo safartay dalka Sacuudiga ayaa foolaneysay cunuggeedii ugu horreeyay.
Ilmaha yar oo ku jiray horaanta isbuuca 35-aad ee uurka, ayaa u dhashay si caafimaad leh, waxaana loo bixiyay Caasha Mucjiso, iyadoo loogu magac daray dhakhtaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here