Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican premier League Bisii December Oo La Shaaciyay.

0
386

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 7 Xiddig ayaa loo soo xushay in ay u tartamaan xiddiga ugu fiican premier League ee bishii December 2021 kadib markii la ciyaaray bishii la soo dhaafay horyaalka kulamo badan.

Joao Cancelo (MCI):

xiddiga Man City ayaa gool dhaliyay mid kalena caawiye ka noqday kulankii ay Newcastle United ka badiyeen waxana kooxdiisa ka caawiyay in ay shabaqeeda ilaashato.

James Maddison (LEI):

Kubad sameeyaha Leicester city ayaa ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo goolal ka dhaliyay kooxaha Southampton iyo Man City ka hor inta uuna gool iyo caawin isku darsan kulankii Newcastle.

Gabriel Martinelli (ARS):

Martinelli ayaa xiddig muhiim ah ka noqday kooxda Arsenal bishii hore isaga oo ku bilowday dhamaan 6-dii kulan ee ay kooxdiisu ciyaartay waxana uu dhaliyay 3 gool iyo 2 caawin.

Mason Mount (CHE):

Xiddiga chelsea ayaa bishii December ku bilowday gool iyo caawin Isaga oo sidaas sameeyay kulamadii Watford iyo West Ham ka hor inta uuna goolal ka dhalin Leeds iyo Everton isla markaas caawiye ka noqday goolkii uu lukaku ka dhaliyay Brighton.

Martin Odegaard (ARS):

Oderaard ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Arsenal isaga oo gool ka daliyay kooxaha Manchester United, Everton & Southampton ka hor inta uuna caawin samayn kulamadii Leeds iyo Norwich City.

Son Heung-min (TOT):

Son ayaa kooxdiisa ka caawiyay in aan laga badin bishii December isaga oo dhaliyay 4 gool oo xidhiidh ah isla markaas caawiye ka noqday kulankii Norwich city.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here