Xiddiga Kooxda Chelsea Ee Kai Havertz Oo Uu Dhaawac Jab Ah Soo Gaaray.

0
204

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Kai Havertz ayuu dhaawac jab farta ah soo gaadhay intii lagu jiray kulankii ay Chelsea guusha ka gaadhay kooxda Tottenham horyaalka Carabao Cup-ka.

Kai Havertz ayaa ku bilowday kulankii ay chelsea garaacday kooxda Tottenham isaga oo dhaliyay goolka furitaanka ah ee kooxdiisa daqiiqadii 5-aad ee qaybta hore ee ciyaarta.

Laakiin xiddiga ayaa lagu qasbay in uu ka boxo ciyaarta kadib markii ay fartu jabtay xiddiga reer Germany uu u dabaal dagayay goolkii uu u dhaliyay kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here