WHO oo ka Digtay in Nooca Omicron ee Covid-19 uu Halis ku Yahay Dadka Adduunka ku nool.

0
398

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digay in nooca Omicron ee ka farcamay Covid-19 aan la dhayalsan, isagoo sheegay inuu dilayo dadka adduunka ku nool.

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujineysa in Omicron uusan aad u soo ridan dadka marka loo eego noocyadii hore ee Covid.

Balse tirada dadka uu ku dhacay ayaa culeys ku keentay waaxaha caafimaadka, sida uu sheegay madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Isniintii, Mareykanka ayaa diwaangeliyay in ka badan hal milyan oo kiisaska Covid ah 24 saacadood gudahood.

WHO – oo ah hay’adda caafimaadka ee QM – ayaa sheegtay in tirada kiisaska adduunka ay toddobaadkii la soo dhaafay kordheen 71%, iyadoo gudaha Americas ay kordheen 100%. Waxay sheegtay in 90% dadka ugu daran ee xanuunku ku dhacay aysan tallaalneyn.

“Iyadoo Omicron uu u muuqdo mid aan darneyn marka loo barbardhigo Delta, gaar ahaanna kuwa la tallaalay, ayaa taasi waxaysan ka dhigneyn in loo aqoonsado mid fudud,” ayuu Dr Tedros ku yiri shir jaraa’id oo uu shalay qabtay.

“Sida noocyadii hore oo kale, Omicron wuxuu isbitaal dhigayaa isla markaana dilayaa dadka.

“Xaqiiqdii, kiisaska tsunami way badan yihiin waana kuwo degdeg badan, taasina waxay culeys saareysaa hannaanka caafimaadka ee guud ahaan dunida.”

Omicron waa mid aad u faafa wuuna ku dhici karaa dadka xitaa haddii ay si buuxda u tallaalan yihiin. Si kastaba, tallaalka ayaa weli muhiim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here