Waa kuma dalka dadkiisa aysan aqoonsaneyn muhiimadda waqtiga?

0
165

JOWHAR (Radio isnaay) Dalka Ghana waa dal dadkiisa ay ku fanaan in aanay ku imaan waqtigii loogu talagalay xilliyada la balama! waa maxay sababta?

Shacabka Ghana waxay caan ku yahiin la jaanqaadid  iyo dhawrs la’aanta waqtiga, siyaasiyiintooda mar walba waxay  ka soo daahaan balamada muhiimka ah, iyaga oo aan waxba kaga duwneen dadka Caamada ah ee aan aqoonin muhiimadda Waqtiga.

Sida ay u badanyahiin dadka reer Ghana ma eegaan Saacadda xitaa haddii ay gacanta ugu xirantahay, taasoo ay ka aaminsanyahiin tilmaan ay ku amaananyahiin.

In mas’uuliyiintooda ay ka soo daahaan balamada waa mid caadi ah oo Ghana laga aqbali karo, waxaana markasta la filan karaa in ay goor dambe yimaadaan kulamada muhiimka ah.

Arrinkan ayaa markasta sameeyn ku yeesha dib u dhaca  go’aanada  Golaha Xukuumadda iyo guud ahaan hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Jamhuuriyadda Ghana waa waddan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika, waxuuna Xeeyn daab la leeyahay waddamada Burkina Faso, Togo, iyo Ivory Coast, Magaalo madaxda Ghana waa Akra (Accra), tirada dadka reer Ghana waxaa lagu qiyasaa 30 milyan oo Ruux oo qowmiyado kala duwan ah.

Dalka Ghana waxuu xorniiyadiisa ka qaadatay dalka Ingiriiska  sanadkii 1957-kii, Afka rasmiga ah  ee looga hadlo dalkaas waa Ingiriis.

Dhaqaalaha Ghana wuxuu ku tiirsan yahay dhoofinta Macdinta ceeriinta ah, sida dahabka, sidoo kale miraha kookaha iyo Alwaaxyada ayaa dalkaasi laga dhoofiyaa.

Astaanta kowaad ee lagu garan karo dadka ree Ghana waa dib u daca dhanka waqtiga oo ay waliba ku fanaan.

Wasiirkii hore ee Taclinta sare ee Ghana Elizabeth Oheini, oo arrinkan ka hadleeysay xilli ay ka hadleysay Wasiirkii Cayaaraha Japan Youshitaka Sokurada oo ka cudur daaranayay Sedex daqiiqo oo uu ka soo daahay shirka Golaha Wasiirada ee dalkiisa ayaa tiri: “Waxaan aad ula yabanahay Wasiirkan ka soo daahay fadhiga Golaha Wasiiradda, wax ka yar shan daqiiqo, anagana waxaan soo daahnaa wax ka badan saacad barkeed iyo ka badan, taana waa tilmaanteena”.

Waa arrin iska caadi ah in madaxda kala duwan ee Ghana ay kulamada lagu balamay ka soo dib dhacaan saacad iyo ka badan, taasi oo wali u muuqato mid aan waxba leyska weydiinin, waxayna taasi dhaxalsiisay diblomaasiyiinta dalkaasi jooga in ay la qabsadaan caadadaan aadka u xun ee ay qabatimeen dad reer Ghana.

Madaxweynahii hore ee Ghana John Kufuor, ayaa isku dayay inuu baddalo caadada ku saabsan dhawris la’aanta waqtiga, balse dhamaan isku dayadii uu sameeyay waxaa dhabar jabiyay Xukuumadda iyo siyaasiyiinta dalkiisa, kuwaas oo ay ka dhaqan gali waysay wax ka badalida dhawrista waqtiga lagu balamay shirarka muhiimka ah.

Sidokale Madaxweynaha hadda ka arrimiyo Ghana Nana Akufo Addo ayaa balan qaaday inuu wax ka badali doono dib u dhaca waqtiga ee lagu eedeeyo dadkiisa, arrinkaas waa loo wada riyaaqay balse asaga ayaa ka soo daahay sedaxdii shir ee ugu horeeysay, sidaana waxaa meesha kaga baxay balankii wax ka qabashada dayacaadda waqtiga Ghana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here